Madaxweyne Laftagareen oo Soo Gaaray Muqdisho
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo wafdiga oo si weyn loo soo dhoweeyey.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku biiri doonaa madaxda maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana lafilayaa inta uu joogo inuu kulamo la qaato madaxda dowladda federaalka.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka socda shirar kala duwan, kuwaas oo la xiriira soo magacaabista ra’iisalwasaaraha cusub ee dalka iyo shirarka kale oo ku aadan ka hor shirka Dhuusamareeb.
Goobjoog News