Guddiga xuduudaha iyo fedaraalka dalka oo maanta kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho xubno ka socday dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa kala hadlay si loo dhameystiri lahaa sharciyada dowlad gobaleedyada loona sixi lahaa xuduudaha u dhaxeeya dowlad gobaleedyada Hirshabeelle iyo konfur galbeed Soomaaliya.
Intii shirku uu sacoday ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku aadan qaab dhismeedka dhuleed ee maamulka Hirshabeelle iyo dhameystirka shaciyadda Dowlad goboleedyada,taasi oo masuuliyiinta Hirshabeelle ka socotay iyo Guddigu ay meel wanaagsan wada gaarsiiyeen.
Wasiirka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta dowlad gobaleedka Hirshabeelle Abuukar Xasan Cali ayaa uga ugu horeyn uga mahadceliyay Guddiga dadaalka ay gelinayaan sidii loo heli lahaa xuduudihii ay sameysay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.




From the comments