Akhriso: Maxaa Lagu Ansixiyey Kulanka Golaha Shacabka?
Sheeko:Baarlamaanka
Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey dib ugu noqqoshada miisaaniyadda dalka ee 2020-ka, kaas oo xukuumaddu soo gudbisay.
Waxaana ogolaaday in lasiiwado dooda dib u eegista miisaaniyadda 2020ka 143 xildhibaan, halka ay diideen 3 mudane, waxaan jirin xildhibaan ka aamusay.
Kulanka maanta ayaa ahaa midkii 21-aad Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka BJFS Uu Shir Guddominayo Guddomiyaha Golaha Shacabka, kalafadhigaan ayaana ah kii ugu dambeeyey muddo xileedka golaha.
Goobjoog News