Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali Najax ayaa ka tacsiyadeeyay geeridaa guddoomiye ku-xxigeenkii maaliyadda degmada Walanweyn Maxamed Cabdulaahi Omar(Koosto)., kaas weerar xalay lagu dilay.
Guddoomiyaha ayaa tacsi u diray maamulka degmada, ehelka iyo qaraabadii uu ka baxay guddoomiye ku-xigeenkii degmada Maaliyadda degmada, kaas oo ku baxay weerar Bombaano oo lagu weeraray hoygiisa.
“Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose ku xigeenadiisa iyo dhamaan howlwadeenada maamulka waxa ay tacsi u dirayaaan dhamaan qoyska iyo asxaabta Gudoomiye ku xigeenki Degmada Wanlaweyn Maxamed Cabdulaahi Omar(Koosto) oo koox argagixiso ah ku weeraren hoygiisa isla markaan u geeriyooday dhaawac ka so garay weerarkaasi u geeriyooday ugu dambeynta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Najax.



From the comments