Aqalka Sare oo Dalbaday In La Baaro Been-abuur uu Sameeyey Golaha Shacabka
Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in baaris degdeg ah lagu sameeyo, been abuurista lagu sameeyay Habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka.
Senatarro ka tirsan golaha aqalka sare oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in Golaha shacabka ay madaxweyne Farmaajo u gudbiyeen nuqul ay ku sheegeen in uu soo maray aqalka sare, oo wax kabedel ku sameeyeen isla markaana ansixiyeen balse xaqiiqda ayaa ah iney meesha ka saareen waxyaabihii ay aqalka sare wax ka bedel ku sameeyeen.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa in uu saxiixay xeer ka duwan midkii ay aqalka sare ansixiyeen November 30, 2019-kii.