Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Ambassador Dina Mufti, ayaa sheegay in dalkiisa aanu aqoonsaneyn Somaliland isla markaana ay taageerayaan midnimada Soomaaliya.
“Arrinta ku saabsan Somaliland, waxay qeyb ka tahay midowga Soomaliya, lamana aqoonsana, warka ah Itoobiya iyo dalalka ayaan aqoonsan, ma aha wax run ah”.
Ambassador Dina Mufti oo sii hadlaya“Innaga oo ka ambaqaadeynta ixtiraamka midnimada iyo qarannimada dal waxaa la dhaqannaa Soomaali mid ah, waxaan ku taageernaa in dib loosoo celiyo xisiloonida halkaas”.




From the comments