Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdi-kariim Xuseen Guleed ayaa ka warbixiyey kulan uu wadanka Turkiga kula qaatay maadaxweynaha cusub Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, oo ku sugan dalka Turkiga.
Cabdi-kariim ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ay kawada hadleen xalaadihii ugu dambeeyey ee Galmudug iyo howlaha horyaalla hadda madaxweyne, waxaana uu sheegay Galmudug in hadda ay udub dhexaad ay u tahay siyaasadda guud ee dalka, waxaana uu ku yioiri qoraal uu ku soo daabaxay bartiisa Cabdikariim Xuseen Guuleed
“Waxaan magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga ku kullanay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Galmudug waxey hadda udub dhexaad u tahay siyaasadda kala guurka ah ee Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa shirka Dhuusamareeb 3”.




From the comments