Marwo Ilhaan Cumar oo Minnesota ku matasha congress-ka Mareykanka ayaa talaadadii guul weyn ka gaartay tartanka isreebreebka xisbigeeda ee degmada shannaad.
Ilhaan ayaa abuukaataha lacagta lagu harqiyey ee Antone Melton-Meaux ku dhigtay cashar aanu iloobin, waxayna kala heleen gabadha Soomaalida ah oo heshay 57.4% iyo Antone Melton-Meaux oo helay 39.2 %.
Ilhaan Cumar tan iyo markii ay congress-ka gashay 2018, waxaa lagu bartay iney difaacdo xuquuqda dadka dulman gaar ahaan madow, fuqarada, ardeyda iyada oo cod u noqotay kuwa doonaya deynta ama caafimaad loo simman yahay, waxay dagaal la gashay kuwa danaha gaarka ku sameeya dhaqaalaha, kana macaasha Washington.




From the comments