U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Aqalka Sare?

Ogoosto 15, 2020

Guddiga joogtada ah ee golaha aqlka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan maanta ku leh magaalada Muqdisho,

Ajanadaha kulanka  waxaa lagu sheegay sedex qodob, kuwaas oo kala ah.

1 –Warbixin kooban (Documentary) oo la xiriirta wax-qabadka Aqalka Sare, intii u dhaxeysay sanadihii 2017-2020-ka.

2 –Hadal-jeedinta guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

3 – Iyo Muddeynta dhageysiga warbixinta doorashada dalka ee 2020/2021-ka, oo goluhu uu ka dhageysan doono guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Goobjoog News