U bood dhigaalka

Guddoomiye Mursal Oo La Kulmay Guddiyada Dastuurka Ee Baarlamaanka Iyo Kan Madaxa Banaan

Ogoosto 26, 2020

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh ayaa maanta kulan la qaatay guddiga dastuurka iyo guddiga madaxbannaan ee dib u-eegista dastuurka.

Guddoomiyaha ayaa guddiga warbixin ka dhageystay ku aadan guulaha laga gaaray geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo caqabadaha hortaagan dhamaystirka dastuurka.

Guddoomiyahu wuxuu bogaadiyey hawsha ay qabteen labada guddi asagoo lawadaagay sida xal loogu heli lahaa caqabadaha heysta.

Goobjoog News