Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa haatan gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda Kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka koobanaa Xubno ka tirsan labada gole ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalda Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha KGS Mudane Laftagareen iyo xubno kale.
Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa ka socda kulan wadatashi ah oo ay leeyihiin madaxdweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed.











From the comments