Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro dowladda iyo shacabka Suudaan oo wajahaya fatahaadihii ugu ba’naa ee dalkaas soo mara muddo ka badan 100 sano.

“Waxaan u tacsiyeynay waddanka aan walaalaha nahay ee Suudan oo aan leenahay Soomaaliya waa ay idin garab taagan tahay. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed in gurmad deg deg ah la siiyo walaalaheen Suudan oo na garab istaagay xilligii aan u baahneyn” ayuu yiri sii hayaha Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud.







From the comments