Wararka ka imaanaya deegaanka Cadale ayaa sheegay in saaka ilaa 5 macalin lagu dilay halkaasi siyaabo la xiriira aano qabiil.
Muuse Ganey, oo ah guddoomiyaha Cadale oo goordhow la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in dhacadada ay ka dhacday meel u dhow Raace Ceelle, isla markaana dadka dhintay gaarayaan ilaa 5 qof.
“Mashaakil dhici jiray waaye, xogta waa maqli doonaa waa qabyo, arrin waa nagu badatay, waan ogaan doonaa, koley dad shicib waayey, dagaal beeleed waaye, dowlad ma aha, aano qabiil ayaan tuhunsanahay” sidaasi waxaa yiri Muuse Ganey.




From the comments