Ururka Dhalinyarada Degmada Degmada Afgooye oo la weeraray
Ururka Dhalinyarada Degmada Afgooye ee UDDA, oo ka shaqeynayay wacyigelinta bulshada, ayaa lagu weeraray maantabdegmada Afgooye.
Weerarkan oo ay fuliyeen kooxo katirsan Al-Shabaab, ayaa lagu bartilmaameedsaday masuuliyiinta ururka, iyagoo adeegsanaya bambooyin iyo rasaas si loo carqaladeeyo hawlgalkooda wacyigelinta.
Ururka UDDA ayaa si gaar ah uga shaqeynayay baraarujinta dhalinyarada, iyaga oo ka wacyigelinayay in aysan ku biirin kooxaha argagixisada.
Goobjoogayaal ku sugnaa goobta weerarka ayaa idaacadda Goobjoog u xaqiijiyay sida ay wax u dhaceen, iyagoo tilmaamay in weerarka uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa goobta.
Guddoomiyaha abaabulka ururka, Suleiman Bashir Mohamed, oo aan la xiriirnay, ayaa xaqiijiyay in Shabaab damacsanaayeen inay dilaan isaga, maadaama uu hoggaaminayay dadaallada wacyigelinta ee bulshada.
Inkastoo weerarka uu ahaa mid lagu cabsi gelinayo shacabka iyo ururka, Suleiman ayaa ku adkeystay inaysan ka gaabin doonin hawlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.