Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ka caawin doonto arrimo dhowr ah kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka soo socda oo dalka uu galayo dabayaaqada sanadkaan 2020-2021-ka.
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Jemes Swan oo kulan gaar ah la qaatay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Xijaar ayaa looga hadlay arrimo quseeyo doorashooyinka.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa aad loo falanqeeyey sidii saaxiibada Soomaaliya ay taageero dhan ammaanka u siin lahaayeen dowladda waqtiga lagu jiro doorashooyinka, oo inta badan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ay dhaqaalo badan ku bixiyaan.




From the comments