Shirka la tashiga daneeyayaasha maxaliga ah ee heerka waxqabadka hufan ee karboonka iyo karinta cuntada wanaagsan ee nadiifta ah sida ay ugu suurtoobi lahayd qoysaskeena ku nool Somalia.
Mudanayaal iyo marwooyin,
Shirkada wax –soo-saarka ee BURN, waxay hirgalin doontaa mashruuca wax qabadka ee kaarboonka oo loo yaqaan (VPA1) mashruucani wuxuu ku sahabsan yahay sida uu qoys walba oo Somalia ku nool ugu suurtoobi lahayd cunto karis wanaagsan oo nadiif ah, waxay shirkada BURN fulinaysaa barnaamijka tayadiisu sarayso ee loo yaqaano Dahab, kaasoo heerkiisa wax qabad uu aad u sareeyo ‘ECOA_BURN. Barnaamijka wax kariska cuntada wanaagsan ee nadiifta ah oo ay hada shirkada BURN ka fulinayso wadamo badan ayaa loo yaqaanaa (PoA) waxaana mashruucan iska leh si khaas ahna u maamusha shirkada wax-soo-saarka ee BURN. Sidaa daraadeed waxay shirkada BURN ay u qabanaysaa shir daneeyayaasha mashruucan oo ay ka mid yihiin wasaaradaha dawlada Somaliland gaar ahaan wasaarada deegaanka, haayadaha hoos yimaada qaramada midoobey, ururada aan dawliga ahayn, ururada haweenka ,machadyadaa cilmi baadhista iyo dadka deegaanka ah ee ay si toos ah ama si dadban uu mashruucani u saamaynayo.





From the comments