Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalmahan shir ku lahaa xarunta Villa Somalia ee Muqdisho ayaa soo saaray jadwal ay isku afgateen oo doorasho.
Jadwalka waxaa ka muuqda in lagu soconayo nidaamkii 2016-kii iyada oo doorashada golaha shacabka iyo tan madaxweynaha ay dhaceyso xilligii tii hore ay dhacday.
Haddii sida shaxda ku qoran ay hirgasho, waxaa uu Farmaajo ku guuleysan doonaa in dalka uu la laago baarlamaan dhameystiran, lana dhaariyo 27-ka December, oo ah sanadkan dhexdiisa, kuna beegan markii la dhaariyey baarlamaanka 10-aad.





From the comments