Wiil Dhallinyaro ah lagu magacaabo Caydaruus Hariir Cali, oo ahaa makaanik da’yar, ayaa lagu weeraray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib markii laba nin oo wajiyadoodu daboolnaayeen, isla markaana isku sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ay ka dalbadeen lacag baad ah oo dhan $900.
Sida uu sheegay goobjooge ka warbixinayay xaaladda dhibbanaha, dhacdadu waxay dhacday subaxnimadii Saaka , abbaaro 10:00 subaxnimo, xilli Caydaruus uu ku sugnaa goobtiisa shaqada ee makaanikada.
Raggaasi ayaa ka dalbaday lacagta baadda ah, hase yeeshee wuxuu u sheegay inuusan awoodin bixinteeda, maadaama dakhligiisu uu yaraa isla markaana uu ku masruufi jiray hooyadii iyo walaalihiis.




From the comments