Xisbiga xoreynta gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa fariin u diray xubnaha gobolkaas ku matalo dowladda dhexe ee federaalka, waxaana lagu amaray in ay iska casilaan xilalka ay ka hayaan golaha wakiillada shacabka iyo midka federeeshinka oo ay ku matalaan gobolkaas.
Kulan ay yeesheen golaha fulinta ayaa lagu sheegay in muddo xileedkii Baarlamaanka uu dhammaaday , sida uu sheegay Natachew Reda oo kamid ah golaha fulinta ee xisbiga Tigreega.
“Xildhibaannada deegaanka Tigreega ka soo jeeda waxaa loo sheegay iney kulankaasi isaga baxaan. Baarlamaanka oo keli ah ma aha waxa amarka la siiyey, balse dhammaan xubnaha deegaanka Tigreega ugu jira qaab dhismeedka dowladda dhexena sida oo kale ayaa lagu amray” ayuu yiri.




From the comments