Guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee dooorashooyinka qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa sheegtay in guddiga uu sii jirayo uuna sii shaqeyn doono.
Guddoomiyaha oo la hadashay warbaahinta ayaa xustay in guddiga hadda uu wado diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jiro, xili dhowaan la filaayo in Soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho 2020-2021-ka.
”Waxaa dhici karto in la leeyahay doorashaa socotee maxay tahay Xisbiyadaan ladiiwan galinaayo gudigaan waa gudi jiro wiligiisna wadi doono howlaha xisbiyada inta uu qaranka jiro oo nidaamka dimuqraadiga aan ku shaqeyneyno, ma aqaano hadii Millatari yimaado oo waxa dhan la laalo” ayay tiri guddoomiye Xaliimo Yareey.




From the comments