Ciidamo la sheegay in kawada tirsan yihiin dowladda federaalka ayaa barqanimadii maanta ku dagaalamay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii labada ciidan oo la sheegay in ay ahaayeen Milatari iyo Booliis ay ku murmeen dhul muddooyinkii dambe la isku heystay ku yaallo cirifka degamada halka loo yaqaano Cade cade.
Waxaa inta la xaqiijiyey rasaasta labada dhinac ku geeriyooday labao qof oo shacab ah, kuwaas oo ahaa kuwa dhisa guryaha oo loo keenay in ay dhisaan dhulka,halka uu dhaawac soo gaaray sedex kale.




From the comments