Madaxweynaha dowlad goboledka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta furay Kal-Fadhiga labaad ee golaha wakiillada Koonfur Galbeed isagoo khudbadiisa furitaanka kaga hadlay dhinacyo kala duwan iyo waxyaabaha uqabsoomay mudada Sanadka iyo Bilooyinka ah uu xilka haayey.
Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Koonfur Galbeed iyo Dadaalada lagu bixinayo sidii looga miradhali lahaa fulinta himilooyinka shacabka waxaana uu xusay madaxweynaha guulaha Laga gaaray amniga,xureynta degmooyinka,Tayeynta iyo tawabarida ciidanka,fulinta howlgalada socda.
Laftagareen ayaa sidoo kale Xildhibaanada Warbixin ka siiyey Dib-udhiska Magaalooyinka hirgelinta Mashariic kala duwan sida Biyooley,Bahnaano,GPLG iyo kuwo kale kuwaasi oo Laga fulinayo guud ahaan Gobolada Baay,Bakool iyo Shabeelaha Hoose.




From the comments