Akhriso: Xildhibaanno Ka Hadlaya Sun Ku Jirta Dalagyada Beeraha Soomaaliya
Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalintii shalay kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa magaalada Muqdisho ayaa la horgeeyey shuruuc dhowr ah, kuwaas uu jiray H/Sh adeegyadda baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed, kaas oo xiligaan muhiimad gaar ah u leh Beeraleyda dalka.
Xildhibaan Cabdulqaadir Siisii oo golaha ka hor hadlay ayaa yiri” Dalagga, kulli ama waxyaabaha waxaan dhihi karnaa waa wax intooda badan sumaysan, suntan dadka yaqaano ayaa yaqaano markiiba dadka waa ay samaynaysaa, kuwana muddo dheer kadib bey qofka jirkiisa kasoo baxdaa. .
Xildhibaanka oo sii hadlaayo ayaa yiri” Waxaad ogtihiin beeraha aan annagu hadda leenahay aad ayey u sumaysan yihiin, hey’ado ayaa waxaa ay u qeybyeen abuur iyagaa kor ka keeno, annaga oo badarkii heysano Galeeydii iyo Masagadii oo aan heli karno ayaa inta la keeno ayaa waxaa la leeyahay abuur waayee ku beerta, micnaheedu maxay tahay waa nala sumeeyey.
Xildhibaan Gaafow oo hadlay ayaa yiri”Waa sharci dhib badan waaye Hey’adaha amnigu waxaa ay dhibaato badan ku qabtaa iyo dekadaha kale waxaa kasoo dego bacrimin qaraxyada laga sameeyo iyo wasaaradda howlaha guud oo gacanta ku hayso dhagaxa kaawada lagu jabiyo oo baaruudda ah, waxaas oo dhan waa wax nabadgalyo dhibaato ku ah, aniga waxaa ay ila tahay guddigaan ay keenaan bacrintaan ama Nisa la weydiiyo maadooyionkaan dhibaatada badan dalka ku haayo ee qaraxa laga sameeyo oo la is waafajin anigu ma qabo in guddigaan la ansixiyo”.
Xildhibaan Idiris oo dhankiisa hadlay ayaa leh” Kiimikada waa laga tagayaa, waxaa looga tagayaa beeralaydii waa loo samaynayaa tabar kusaabsan in ay adeegsadaan daawo dhaqameed Local Herbity, tusaale ahaan Masagada waxaa dhibo soomahan dhuubada, waxaa u adeegsanaysaa geel Hindiga caleentiisa intaa soo qaadid oo tuntid ayaa beerta lagu buufinayaa, bacrimintii hadda waxaa la marayaa in Beeralaydii ay gacantooda ay ku samaystaan”.
Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji oo ka hor hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay baaritaan” Daawooyinka Cayayaanka ama cudurada iyo Feyruska lagula diriro ma yihiin daawooyin sax ah aan dalaga waxyeeleyn dadka cunayana aan waxyeeleyn iyo ciidda, waxaad ogtihiin banii’aadamku waxaa uusoo maray heerar beeshada ah, kan casriga ah oo hadda jira waxaa waaye daawooyin waxaa jira cimiladana Qatar ku ah dadkana Qatar ku ah.
Xildhibaan Cabdinaasir ayaa golaha ka hor yiri” Dowlad weliba waxaa ay xoogga saartaa in ay dalkooda u helaan cuno, cunadaasna waxaa ay ku imaan kartaa maahan wax dibadda laga keenay oo laga soo dhoofiyey, ee dal weliba wixii isagu beertay ayaa ku filnaada, waxaan aamnisan nahy in sharcigaan uu muhiim u yahay Beeraleyda Soomaaliyeed
Xildhibaan Axmed Taaw oo golaha isaguna ka hadlay ayaa yiri” Waxyaabahaas oo dhan waxaa keenay qalab lagu baaraayo oo aan jirin iyo hey’ad tayeyntaas qaabilsan, hey’addaan dhismaheeda muhiimadaas ayey ledahay, aad ayaan u soo dhoweynayaa in la dadejiyo dhismaha hey’addaan, balse laga fakaro wixii hadda Lubnaan ka dhacay waad aragteen Kiimiko la xareeyey ayey aheyd.
Goobjoog News