Akhriso: Ajendaha Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka
Sheeko:Arrimaha Amniga
Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku leeyihiin xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, waxaana kulanka looga hadlayaa sharciyo dhowr ah.
Ajandaha kulanka xildhibaannada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta saddexaad ee Hindise sharciyeedka Hay’ada Diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyadda iyo Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya.
Xildhibaannada golaha shacabka oo waqtigoodu sii dhacayo ayaa ayaa la filayaa iney maalmaha soo socdo ansixiyaan miisaaniyadda 2021-ka
Goobjoog News