U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Ansixiyey Mid Kamid ah Sharciyadii La Horgeeyey

Nofeembar 2, 2020

Xildhibaannada goloha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey mid ka mid ah sharciyo maanta la horgeeyey.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa akhrinta saddexaad hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda dii-wangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaliyeed iyo akhrinta 2aad Marsiiyaan H/Sharciyeedka hey’adda Socdaalka.

Xildhibaannada ayaa dood ka dib meel mariyey sharcigaan, waxaana u codeeyey 143 mudane ma jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Dhinaca kale, golaha ayaa kulankoodii akhrinta saddexaad ku marsiiyey  Hindise sharciyeedka hey’ada diiwaangalinta iyo bixinta Aqoonsiyada Soomaaliya.

Goobjoog News