Ururka Midowga Africa ayaa isku dayaya in xal waara laga gaaro xiisadda ka taagan Waqooyiga wadanka Itoobiya gobolka ku yaalla, halkaas oo ay isku hayaan dowladda federaalka ah iyo ururka gobolka Tigree la yiraahdo TPLF.
Madaxweynaha wadanka South Africa Cyril Ramaphosa oo hadda ah hooggaamiyaha midowga ah Africa ayaa xubno u magaacay suurta galnimada waan waan laga dhex bilaabo labada dhinac ee is haya ee dowladda iyo TPLF.
Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ay ka yihiin Johnson-Sirleaf, madaxweyne ka soo noqotay Liberia,Joaquim Chissano, madaxweynahii hore ee Mozambique iyo Kgalema Motlanthe Madaxweynahii hore ee South Africa.




From the comments