Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa ku biiray shirka wadatashiga Musharaxiinta oo maalintii seddexaad ka socda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana la sugayaa xubno kale oo muhiim ah.
Guddoomiyaha ayaa waxaa la sheegayaa in ay wehlinayaan siyaasiyiin ka soo heeda Somaliland,sida X/W Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo xubno kale. waxana si weyn loogu soo dhoweeyey hoolka ay ku shirayaan Musharaxiinta,
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa horay waxaa uu uga gadooday guddiga ay xukuumadda federaalka u magacowday maamulitaanka doorashada Xildhibaannada Somaliland, waxaana uu magacaabay guddi kale oo ku lid ah kii hore.






From the comments