Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya ayaa loo diray dhamaan Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ka qeyb galaya tartanka Maamul Goboleedyada 2020,waxaan qoraalka lagu sheegay in la ilaaliya nidaamka iyo habsami u socodka tartanka.

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse iyo madaxda kale ee Wasaarada ayaa labadii bil ee la soo dhaafay sameeyay is badal weyn,iyagoo sanadkan tartanka ku soo kordhiyay Kubbadda Kolayga,Ciyaaraha Fudud,walow labadii sanii hore 2016,2017 uu tartanka ahaa kubbadda cagta oo kaliya,waxaana talabaadan soo dhaweeyay bahda ciyaaraha Soomaaliya.






From the comments