Ciidama Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah waxaa ay ula wareegeen xarunta golaha wakiillada maamulkaas, oo maalmahaan ay ka taagneyd cabasho ay xildhibaannadu ka muujiyeen ilaadada xunta golaha.
Xildhibaannada ayaa ku andacooday in ciidamada ilaalada xarunta ay si gaar ah uga amar aqaataan goddomiye Cabdirashiid, iyagoo ku eedeeyey guddoomiyaha inuu ciidanka u istiocmaalo inuu ku caburiyo xildhibaannada.
Cabashaas ayaa waxaa ay keentay in ciidamado Boolis ah lagu wareejiyo xarunta golaha wakiillada Puntland ee Garowe, waxaana ay bedelayaan ciidamadii horey u joogay xarunta, iyagoo la wareehay ammaanka guud.




From the comments