Xidhibaanno ka tirsan maamulka Puntland oo maalinimadii shalay maxkamadda sare ee Puntland ay mudodaysay dhegaysiga kiis ku aaday xil ka qaadis lagu sameeyey ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe waxaana ay ka hadleen eedeynta loo soo jeediyey oo xilka looga qaaday 8-da mudane ee ka tirsan golaha wakiillada maamukaas.
“3-da Bisha 12-aad 2020 xeer ilaaaliyaha ayaa waxaa uu yimid golaha waxaan uu soo jeediyey eedeyn ciqaab ah oo 8-deena xildhibaan nagula ciqaabayo oo uu leeyahay nimankaas ambi yey galeen waa in xasaanadda laga qaado si aan maxkamad ciqaab u horgeyno. Arrintaas waa ay dhacday annagu waxaan aaminsaneyn in aysan wax sal iyo raad leh aheyn, laakiin waan ku aamusnay , ujeedkeenu waxaa uu ahaa waxaad sharci u leedahay iyo waxaadan u laheyn insha allah halkaas ayey ku kala cadaanaysaa” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaannada warbaahinta la hadlay.
Xidhibaannada ayaa sidoo kale ka hadlay warqad shay la soo baxay maxkamadda sare ee Puntland oo lagu sheegay in xildhibaannada makamadda sare maalinta khamiista ah ay dhageysanayso kiiska xaasanadda looga qaaday.




From the comments