Waxaa maanta magaalada Hargeysa dib ugu noqday Mustafe Qodax, ninkan oo ahaa Senator ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa 4 sano uun kasoo maqnaa magalaadaasi, hadda uu muddo xileedkiisa dhammaadana iska casilay sida uu sheegay, isla markaana cafis weydiistay Somaliland.
October ayey aheyd markii Maxamed Cumar Carte oo isna horay usoo noqday ra’isul wasaare ku-xigeen ahaana xildhibaan ka tirsan golaha shacabka oo Hargeisa ku laabtay, uuna cafis weydiistay.
“Aad ayaan u faraxsanahay, dareenkayga lama soo koobi karo, muddo afar sano iyo bil ah oo aan ka maqnaa magaaladii aan ku barbaaray magaaladaydii Hargeysa caasimaddii Somaliland, inaan kusoo noqdo oo la igu soo dhoweeyo aad ayaan ugu faraxsanahay ,bahda saxaafadda iyo bahdii goloyaasha ee isoo dhoweeyey” ayuu yiri Mustafe Qodax.




From the comments