Ogow Wax Walbo Oo Ku Aadan Ciyaarta Kooxaha Puntland VS Jubaland
Sheeko:Wararka Cayaaraha

Kooxda Puntland ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Jubaland,iyagoo wada ciyaari doona kulan ka tirsan tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Puntland waa kulankii kowaad ay ciyaarayso tartanka,waxayna rajaynaynaa in ay badiyaan,halka Jubaland ciyaartii kowaad ay guul daro 1-0 ay kala kulantay Koonfur Galbeed,waxayna sadexda koox kuwada jiraan Group B.

Kooxaha Puntland iyo Jubaland si weyn isku yaqaanaan marka loo eego tartankan,iyagoo sanadihii 2016,2017 ay soo gaareen fiinalaha ciyaaraha Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Labada koox waa ka soo muuqan doona inta ugu badan ciyaartooydii hore,waxaana laga sugayaa in ay soo banshigaan kubbadd qurxoon ay ku qancaan taageerayaashooda.

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka- Maamul Goboleedyada iyo G/Banaadir
Kooxaha-Puntland VS Jubaland
Taariikhda-23 December 2020
Maalinta-Arbaco
Saacadda-4:00pm
Cumilada Xiliga Ciyaarta-24°C to 31°
Garoonka-Eng Yarisow Stadium