Ciyaaryahan Kooxda Galmudug Axmed Mowliid Xuseen Guhaad ayaa Goobjoog u sheegay in Galmudug waqti wanaagsanaa ay ku jirto,ka dib markii ay wacdaro ku soo bandhigeyn garoomada Caasimada Muqdisho,isagoo sheegay in ay taa ku timid da’daalka ay sameeyeen Wasaarada Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug,sanadkan rajadooda ay tahay hanashada tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Ciyaaryahan Axmed waxa uu ka mid yahay dhallinyarada sanadkan ka qeyb galaya tartanka Maamul Goboleedyada ee ka yimid qubraha,wuxuuna kooxda Galmudug kaga soo biiray Wadanka Finland,sidoo kale laacibkan waxaa dhalay Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mowliid Xuseen Guhaad.





From the comments