Kooxo ku hubeysan Bastoolado hubeysan ayaa goordhow degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ku dilay nabaddooon caan ka ahaa degmada, waxaana laga helayaa faahfaahinno sida uu u dhacay dilkaasi.
Nabadoonka ayaa la toogtay xilli uu ku sugnaa suuqa lagu iibiyo Ariga, marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Macalim Cabdi Siyaad Geedi, kaas oo kamid ahaa Ergadii wax ka soo xushay Baarlamaanka 9-aad ee federalka.
Kooxii dilka geystay ayaa goobta isaga baxay, Ciidamada ammaanka oo soo gaaray ayaa qaaday meydka marxuumka, waxaana ay sameeyeen baaritaanno lagu baadi goobayo kooxii dilka u geystay Nabaddoonka .




From the comments