U bood dhigaalka

Golaha Muddo Xileedkoodu Dhammaaday Ee Shacabka oo Maanta Kulmaya

Diseembar 28, 2020

Waxaa maanta kulan isugu imaanaya golaha waqtiga dastuuriga ah ka dhacay ee shacabka iyaga oo ka hadlaya arrimo ay miisaaniyadda 2021-ka ku jirto.

Qoraal loo diray Xildhibaannada sii-hayeyaasha ah ee waqtiga ka dhacay ayaa lagu sheegay in ajenduhu yahay akhrinta 2-aad ee miisaaniyadda 2021-ka.

Baarlamaanka dhacay ayaa ku guuldareystay inuu miisaaniyadda ansixiyo inuu uu dastuuriga ahaa, waxaa kale oo laga cabsi qabaa inuu sharciyo kale ka doodo ama ansixiyo iyaga oo sii-hayeyaal ah oo aan sifo sharci ah ku fadhin.

Sida ku qoran qodobka 60-aad dastuurka KMG ah, muddada xilheynta Xildhibaannada waa 4 sano oo ka bilaabaneysa maalinta la shaaciyo, waxayna ku ekeyd 27-kii bishan.

Goobjoog News