Kabtan ciidan oo ku sugan dhulka lagu muransanyahay ee Jammu iyo Kashmir ayaa lagu soo eedeeyay dil, afduub iyo shirqool dambi kadib toogashada lagu dilay seddex nin oo reer Kashmir ah kuwaas oo aan waxbo galabsan ayaa meydkooda la helay sida ay sheegtay dowladda, iyadoo lagu waddo in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo kiiskaan.
Raggan seddexda nin ah ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen muruq maalato ku howlanaa masruufka iyo noloshaa qoyskooda, magacayadooda waxaa ay kala yihiin Abraar Axmad Khan, Imtiyaz Axmad iyo Abrar Axmad Yuusuf, oo guryahooda uga soo baxay shaqo raadin ayaa lagu dilay hawlgal ay ciidamadu qaadeen bishii July. Booliiska maxalliga ah ayaa goobta ka soo helay bastoolado waaxda baaritaannada gaarka ah ayaa sheegay in ciidanka uu hogaaminayay Kabtanka ay dil wadareedka geysteen.
Hadal uu Axaddii soo saaray booliisku wuxuu ku eedeeyay Kabtan Bhoopendra Singh oo u dhashay Hindiya iyo mid kale inay afduubeen oo dileen raggaas, iyagoo sheegay inay dilka u abaabuleen sidii kulan milatari oo been abuur ah, ayna ku beereeyeen meydadkooda hub iyo qalab aan sharci ahayn waxayna ku calaamadiyeen inay yihiin argagixiso adag.




From the comments