Sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka Falastiin Askari Israaiil ah ayaa waxaa uu tugasho ku dilay muwaadin Falastiin ah kaaas oo aan waxbo galabsan, dilkan ayaa yimid kadib markii sida la sheegay marxuunka iyo seddex nin oo kale oo lasocday ay la murmeen Askarta yahuuda kuwaas oo doonayay in ay ka qaataan matoor nuuca korontada dhaliyo oo heysteen.
Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabaa Haaruun Abuu@# Caram waana 24 jir, Muuqaalo laga duubay goobta ayaa muujiyay meydkiisa oo goobta sida lagu faafiyay baraha Internet-ka
Fiidiyowga waxaa si weyn ugu faafay ururada xuquuqda aadanaha ee Israel iyo warbaahinta Israel iyo Falastiin.
Bayaan ay soo saartay, Ciidanka Difaaca Israel waxay ku sheegeen in askartu ay ku jireen hawlgal caadi ah, kuwaas oo doonayay in ay la wareegaan dhisme sharci darro ah oo ku yaal tuulada At-Tuwani sida ay sheegteen.




From the comments