Professor Xsan n Sheekh Cali oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, kuwaas oo la xiriira doorashooyinka dalka oo muran uu ka taagan tahay qaabka loo wajahayo waxaana dib u dhaca doorashada eeddeeda sida uu sheegay qaadanaya madaxweyne Farmaajo.
“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waqtigiisa 8-da February ayuu ku egyahay 7-da February heshiis waa uu gaari karaa, waa la heshiin karaa, heshiiskii isaga lagu doortay diiwaankaas waxaa uu yaallaa xafiiska, haddii 7-February lagu heshiiyo 8-da waa la billaabi karaa, laakiin waxaa la raba rabitaan, waxaan ma hawl qaran baa mise waa hawl isagu uu leeyahay oo October oo kale ah Xisbiga Hanti wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed doorasho ah miyaa la qabanayaa mise doorasho la isla leeyahay” ayuu yiri Professorku.
Sidoo kale, Professorka oo sii hadlaya ayaa yiri” 8-da February waa in la tagaa iyadoo heshiis la yahay oo wax kasta la dhammeeyo, waa in doorashadu dhacdo, iyadoo heshiis la yahay ha la tago February doorasha, May illaa June hala qabto dhib kama taagna, dadku waxay ka walwalsan yihiin iyadoo aan doorashadii la qaban oo aan la heshiin ayuu waagu noo baryey, iyadoo aan la heshiin madaxweynihiina waqtiga uu ka dhammaaday xaggee la aadaa marka.




From the comments