Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ka hirgeliyey xarun lagu diiwaangeliyo dadka cod-bixiyaasha ah doorashada Somaliland.
Mas’uuliyiinta Somaliland u qaabbilsan degmadaas ayaa maalmihii tagay ka waday wacyi-gelinta Bulshada ee ku aaddan sidii ay isaga diiwaan-gelin lahaayeen goobaha laga furay degmada.
Sidoo kale, mas’uuliyiinta dhanka Puntland ee Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa ka digay tallaabada ay qaadday Somaliland ee ku aaddan diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka.



From the comments