U bood dhigaalka

Gadoodka Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo Saameeyey Isku Socodka Gaadiidka

Ciidamo ka tirsan Daraawiish Galmudug oo maalin ka hor ka gadooday xeradii ay kaga xareysnaayeen Galinsoor oo Galgaduud ah ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka gawaarida ku safraysa waddadaasi,marin u ah Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Gaadiid u badan xamuul ayaa ku xaniban magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaas oo kusoo jeeday gobollada Galgaduud iyo Hiiraan, ciidamada ayaa xiray waddada, iayagoo u diidaya in ay gaadiidku maraan.

Ciidanka ayaa la sheegay in ay ka gadoodsan yihiin Mushaar la’aan muddo billo ah, taas oo dhlisay in ay sameeyaan jidgooyo lagu xanibaayo gaadiidka ku safraayo iyadoo  marin muhiim u ah gawaarida xamuulka ah ee ganacsatada u raran una ee maraya waddadaas.

Ciidamadaan gadoodsan ayaa bartamihii sanadkii tagay 2020,waxay wasaaradda amniga Galmudug ay ku xareysay xerada Dhaankaroone oo duleedka Galinsoor ah, waxaana ay ahaayeen maleeshiyo beeleedyo maamulku xareeyey si loo tababaro bilowna ugu noqdaan aasaaska ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Goobjoog News