Taliska xoogga dalka qeybta 27-aad ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen deegaan hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe lagu burburiyey goobo lagu diyaarinaayey walxaha qarxa sida ay hadalka u dhigeen.
Taliyaha qeybta 27aad ee xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Axmed “Tareedisho” ayaa xusay in howlgalka intii uu socday in sidoo kale ay dileen saraakiil ka tirsan Al-shabab, xili uu lahadlaayey warbaahinta dowladda.
“Xalay waxaa ka loo ay ciidanka fuliyeen howlgal ay ka sameeyeen deegaan 8 Km u jirta degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, waxaana laga soo qabtay waxyaabaha qarxa oo ay dhagarqabayaashu doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Jeneraal Tareedisho.




From the comments