Macallin Axmed Tahliil Cali “Kubbadda Cagta Cadaalad Ayay U Baanahtahay”
Tababaraha Kooxda Kubbadda Cagta LLP Jeenyo Axmed Tahliil Cali ayaa sheegay in kubbadda cagta ay u baahanatahay cadaalad,isagoo wax lagu xumaado ku tilmaamay qaabka garsoonimo ee garsoorayaasha kubbadda cagta,wuxuun tababare Tahliil hadalkan u sheegay saxaafada ciyaaraha,ka dib markii ay kooxda Jeenyo guu daro kala kulantay kooxda Heegan,kulan ka tirsanaa horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya.
“Kubbadda Cagta iyo horyaalka Soomaaliya Cadaalad ayay u baanahtahay,guul darooyinkii ku dhacay kooxda LLP Jeenyo,waxaaa sabab u ahaa qaabka ay u dhaqmeyn garsoorayaasha kubbadda cagta,wuxuuna tababare Tahliil sheegay in wax lag xumaado ay tahay”
Dhinaca kale tababare Axmed Tahliil waxa uu sheegay in rajadooda ay tahay in meel wanaagsan ka gaaraan horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya oo ay kooxda ku soo laabatay mudo sanad ah
“Rajadeenu waa in aan kaalamaha ka galant horyaalka Somalia Premier League,waxaan haystaa ciyaartooyd tayo wanaagsan oo u qalma in ay kaalin wanaagsan ka gaaraan kubbadda cagta Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay tababaraha kooxda LLP Jeenyo Axmed Tahliil Cali
Daawo Tababare Oo Si Kulul U Hadlay
Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Axmed Tahliil
https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/cabdiqaadir-muxidiin-dacar-waxaan-u-mahadcelinaa-tababare-axmed-tahliil/