Guddoomiye Wiish “Waan U Mahadcelinaynaa Dhamaan Kooxihii Ku Guulaystay Tartamadii Aan Qabanay Sanadkii La Soo Dhaafay 2020 Iyo Xidigaha Gobolka Banaadir”
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa abaalmariyay Kooxda Gobolka Banaadir ee ku guuleysatay ciyaarihii Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, 2020,Tartankii kubbadda Cgata degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Tartankii kubbadda cagta Waaxyaha Gobolka oo dhamaan ka dhacay Magaalada Muqdisho,waxaana munaasbad ka dhacday Muqdisho si weyn loogu dabaal dagay guulaha ay gaaraan kooxihii kala duwan ee ku kala gulaystay tartamadii lagu qabtay caasimada sanadkii la soo dhaafay 2020.
“Waan u Hambalyaynaa ciyaartooyda Gobolka Banaadir ee markii ugu horeesay ku guulaystay tartankii kubbadda cagta Maamul Goboeledyada iyo Gobolka Banaadir 2020,runtii waxa ay kor u qaadeen magaca iyo sharafta Gobolka,mana iloobi doono taariikhda ay noo soo hooyeen” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banaadir mudane Xasan Yabarow Wiish.
Dhinaca Kale Guddoomiye Wiish wuxuu u hambaleeyay kooxaha kaalmaha hore ka galay tartankii kubbadda cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir 2020,isagoo xusay in sanad kasta tartankaas ay ka soo baxaan ciyaartooy tayo wanaagsan oo anfacada Xulka Qaranka iyo kooxaha heerarka kala duwan ee Kubbadda Cagta Soomaaliya.
“Tartankii kubbadda cagta Degmooyinka 2020 wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan,waan u mahadcelinaynaa dhamaan kooxihii ka qeyb galay,waxaan si gaar u u hambalaynaa labadii naadi ee soo gaaray heerka ugu Finaalka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir mudane Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish.
Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Gobolka Banaadir
https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-wiish-tartanka-maamul-goboleedyada-waxaa-loo-qabtaa-in-laga-helo-ciyaartooy-tayo-wanaagsan/