Shir Muqdisho Uga Furmay Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Madasha Bad-baado Qaran
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa goordhaw Hotel ku yaalla gudaha Xerada Xalane Shir uga furmay madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare .
Kulanka oo looga hadlayao xaaladda siyaasadeed ee dalka si gaar ah arrimahad doorashooyinka ayaa u dhaxeeya Hogaanka sare ee madasha Bad baado Qaran iyo Madaxweeynayaasha dowlad gobaleedyada dalka .
Shirkan oo gogol xaar sidoo kale u ah shirka arrimaha doorashooyin ee loo dhan yahay ayaa Madaxda labada dhinac waxa ay kaga wada hadlayaan dejinta Ajenda leeysla ogol yahay oo looga hadlo shirweynaha wadatashiga Doorashooyinka.