U bood dhigaalka

Qoor Qoor Oo Muqdisho Dib Ugu Soo Noqday

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa magaalada Muqdisho dib ugu soo noqday kadib safar maalin qaatay oo uu ku maqnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug .

Axmed Qoor Qoor ayaa kadib laba maalin uu ka qeyb galayay shirka hor u dhaca doorashooyinka dib ugu noqday magaalada Dhuusamareeb , kadib markii ay ka dhamaatay mudada Dastuurka Galmudug u ogolaanayo madaxweynaha in uu deeganadiisa ka maqnaado.

Madaxweynaha  ayaa Muqdisho kaga qeyb galaya shirarka Hor u dhaca ah ee arrimaha doorashooyinka , kaas oo magaalada Muqdiso uga socda madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka.