U bood dhigaalka

Yaa Baajiyey in Maamulka Farmaajo uu Weeraro Taliye Saadaq John?

Saacado colaadeed iyo isku dhex yaac kadib, waxaa saaka deggan xaaladda caasimadda Muqdisho iyada oo la sheegayo in la hakiyey weerar ay ciidamada dowladda ku qaadi lahaayeen taliyihii hore ee booliiska gobolka Banaadir  Saadiq Maxamed John.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor ayaa ku guuleystay inuu kala qaado ciidamo u dhowaa iney isku dhacaan, waxaana wararku intaas ku darayaa inuu John helay damaanad qaad la xiriira in aan lagu xad gudbin, uuna hoygiisa ku laabtay.

Halkee Wax Bilowdeen?

Xalay afurkii kadib ayaa mar uun la arkay taliye Saadaq John oo tikniko badan watay, oo ka guuray hoygiisa isaga oo aaday dhanka xerada Shiirkole ee waqooyiga Muqdisho, isaga oo halkaas ka sameysay saldhig iyo difaac, waxaa xigay ciidamo dowladda ah oo isgoysyo badan la dhigay.

Ilo ku dhow Saadaq ayaa sheegaya inuu sidaasi sameeyey kadib markii uu ka war helay in weerar lagu yahay hoyga uu ka deganaa magaalada Muqdisho, iyada oo markaasi ka hor laga qaaday xilka, lagana xayuubiyey garaadihii.

Yaa Garab siiyey Saadaq John?

Marka laga soo tago shacabka Muqdisho, waxaa uu sidoo kale Saadaq gacan ka helay siyaasiyiin badan, oo ku baaqay in la difaaco Generaalka oo aan lala bixin.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare Abshir Maxamed Axmed ayaa Facebook ku qoray sidan: Aniga oo ka duulaya metalaada dadweynaha deegaan doorasheedkegya iyo waajibka dastuuriga ee iga saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha guud ahaan iyo gaar ahaanba waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee u haliilaya daadinta dhiiga shacabka in uu ka waantoobo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo meel marinta dhagarihiisa qarandumisnimo.

Guddoomiye Abshir oo sii hadlaya ayaa yiri ‘Waxaan sidoo kale u sheegayaa madaxweyne-hore Farmaajo in uu si shaqsi ah u qaado doono ha dhowaato hase dheeraatee mas’uuliyada qof kasta oo ku dhinta ama ku dhaawacma duulaanka sharci darada ah ee uu si aargoosi ah ugu beegsanayo Gen. Saadaq Cumar Xasan’.

Wasiirka dekadaha Galmudud ahna xildhibaan golaha shacabka Saabir Shuuriye ayaa sida qoray ” Waxa aan codkayga ku biirinayaa waxgaradka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ugu baaqay madaxweynahii hore ee Soomaaliya Farmaajo in uu ka joogo daadinta dhiiga shacabka, Waxa aan xasuusinaynaa Farmaajo in Weerarka ay ciidanka uu sida gaarka ah u soo soocdey ku qaadeen deegaanka Shiirkole uu yahay mid la doonayo in lagu banaysto daadinta dhiigga maatida deegaan gaar ah.

Wasiir Saabir oo sii hadlaya ayaa yiri ” Reer Shiirkole iyo beelweynta deegaanka Muqdishu waxaan ugu baaqayaa iney is difaacaan oo aan lagala bixin wiilkooda sharci darada darajadiisa looga qaaday hadana loo socdo dhiigiisa. Farmaajo flimkaan horaan u soo fiirsanay hadduu adiga ku dhaafay ee waxaad ka hesho waxba hanaga siin.
Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa isna ka mid ahaa dadkii ka digay dagaalka waxaa uuna qoray ‘ Waxaa caaway magaalada Muqdisho laga soo sheegayaa dhaqdhaqaaq ciidan iyo argagixin xaafado shacab oo ka mid ah Muqdisho taasoo looga gol leeyahay in la weeraro Gen. Saadaq John oo la isugu daray laba maalmood gudahood in xilka laga qaado, garaadihii si sharciga baalmarsan looga rifay, saacadaana la rabo in la weeraro oo naftiisa iyo tan ilaaladiisaba iyo shacabka deegaanadaas ku noolba halis la geliyo. Dalka Soomaaliya waxaa burburiyey ku takrifal awoodeed iyo in ciidamada loo adeegsado si sharciga baalmarsan, amar qaldan oo dano gaar ah lagu fushanayana ayadoo la laynayo saraakiil iyo shacab intaba.
Wasiir Fiqi ayaa hadalkiisa kusoo afjaray “Waxaan ciidamada la faray weerarka aan ugu baaqayaa in aysan qaadan amar qaldan isla markaana ay ka baaqsadaan in ay daadiyaan dhiig dhabarka u saaraya danbiyo lagula xisaabtami doono mustaqbalka aan dheereyn”
.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa isna Facboogga ku qoray “Caawo weerarka Farmaajo iyo kooxdiisa ay ku qaadeen Shiirkole waa fal sharciga baal marsan oo lagu qab jabinayo reerka uu ka dhashay Generaal Sadaq oo la doonayo in dhaxdooda lagala soo baxo. Aniga oo ah Xildhibaanka Genraal Sadaq waxaa dhammaan ugu baaqayaa inta aan ku matalo kursiga iyo Soomaalida xaq darada neceba in loo wada istaaago difaaciisa, hogaamiye kooxeedka Farmaajo ahna la tuso xadkiisa.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna waxaa uu qoray “Farmaajo caawa wuxuu u diray Gen Biixi oo ilmo adeer ay yihiin in uu weerar ku qaado Gen Saadaq Joon. Dagaal qabiilaysan weeye waxa caawa uu hurinayo Farmaajo. Waxaan ugu baaqayaa qaraabada in la iska difaaco Farmaajo iyo qowleysatada la socota. Saadaqna dhexdeena aysan kala bixin Farmaajo iyo ina adeerkiis Biixi”.
Waxaa sidoo kale dadkii hadlay ka mid ahaa oo Saadaq John difaacay, isla markaana bulshada ugu baaqay in lala safto odeyaasha dhaqanka Habargidir iyo Imaamka Mudulood.
Waanwaanka Madaxweynaha Galmudug:
Ugu dambeyntii, iyada oo xaaladda ay kacsan tahay ayaa waxaa soo dhex galay madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor isaga oo u tagay Saadaq kadibna ku qanciyey labada dhinac in xaaladda la dejiyo, tiiyoo keentay in Generaalka lala galo heshiis ah in gurigiisa dib ugu laabto, lana nabad geliyo.
Goobjoog News