Baarlamaanka Puntland Oo Ka Horyimid Mudda Kordhinta Farmaajo Loo Sameeyay
Sheeko:Arrimaha Amniga

Barlamaanka Puntland ayaa sheegay In uu cod ugu qaaday Fadhi xiran oo uu maanta lahaa muddo kordhinta aqalka hoose ee barlamaanka Federaalka ee wakhtigiisu dhamaaday uu u sameeyay Golayaasha DFS.
Mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin mudda kordhinta Golaha shacabka u sameeyen Farmaajo.
Kulanka oo cod gacan taag ah loogu qaaday mudda kordhinta farmaayo ayaa Fadhiga oo ay joogeen 52 xildhibaan ay 49 ka mid ah u codeyeen in aan la Aqbali karin oo ay sharci daro tahay Mudda kordhinta Puntland , halka Laba xildhibaan ay diiday midna uu ka amuusay.
