U bood dhigaalka

John oo Mar Kale Shiirkole Degay, Yaa Ka Dambeeyo Inuu Guurguuro?

Dowladda Federaalka ayaa beenisay inay qorsheyneysay  inay weerarto taliyihii hore ee booliiska gobolka Banaadir Saadaq John.

Wasiirka Amniga Xasan Hundubey oo shir jaraa’id qabtay xalay saq dhexe ayaa sheegay jimcihii in aysan jirin wax qorshe ah oo lagu weerarayo Saadaq Joon isagoo ku eedeynaya mucaaradka in ay ‘ka sameysanayaan’ arinta dano siyaasadeed.

“Dowladdu waxay ugu baaqeysaa kuwa buun-buuninaya weerarka Saadaq joon inay quustaan ​​oo ay gartaan in dowladdu aysan qorsheyneyn inay wax tallaabo ah qaaddo,” ayuu Hundubey u sheegay warbaahinta .

Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii galabtii jimcaha ay ciidamo ka tirsan dowladda xirteen qeybo ka mid ah waddooyinka aada garoonka Aden Cadde halkaas uu deganaa taliyaha, taasi oo keenay in John uu guuro, kuna laabto Shiirkole oo habeenno kahor laga soo waday.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, oo gacansaar la leh Villa Somalia ayaa ku qanciyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Farmaajo in aan lagu degdagin weerarka Saadaq John oo uu sheegay in uu sii cakiri karo xaaladda Siyaasadeed ee dalka .

Saadaq John ayaa xilka laga qaaday Todobaadkii hore  kadib markii uu ku dhawaaqay In ay baarlamaanka doorasho aadan oo aan dalka qalalaaso loo hor seedin.

Farmaajo ayaa markii dambe dhamaan darajadii Ciidanimo ka xayuubiyay Saadaq John , iyadoo inta badan xilalkii laga qaada Taliyayaashii ay isku dhawaayeen .

Goobjoog News