Ururada Saxaafadda ayaa canbareyay weerarkii ciidamada dowladda ay ku qaadeen Xarunta warbaahinta Mustaqbal .
Warar ka soo baxay Ururada FESOJ iyo SJS ayaa lagu sheegay in wax laga xumaadoa ay tahay weerarkii subaxnimadii hore ee maanta ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran Haramacad ay ku qaadeen xarunta warbaahinta Mustaqbal.
Qoraal ka soo baxay FESOJ ayaa lagu yiri” Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ, ayaa si kulul u cambaareyay jirdilka Ciidmadda Dowladda Soomaaliya u gaysteen wariye Bashiir Maxamuud Yuusuf oo ka tirsan idaacada Mustaqbal oo saaka la so weeraray. Gudoomiyaha FESOJ, Abaadir Cabdulqaadir Cilmi ayaa sheegay in ay ka xun-yihiin weerarkii lagu qaaday dhismaha idaacada oo ku yaal xaafada Hodan iyo qalabka idaacadda oo qaybna la burburiyay qaybna la qaatay. Wuxuuna Dowladda Federalka ee Soomaaliya ugu yeeray in si deg deg ah qalabka idaacada loogu soceliyo, lagana dulqaado Culayska ciidan ee saaran hay’adaas warbaahineed. Falkan argagaxa Leh waxa uu dhibaato ku yahay shaqada Warbaahinta Madaxa Bannaan Iyo guud ahaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed.




From the comments