Warar lagu kalsoonyahay sheegaya in hawlihii Guddiga kala saarista iyo xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashooyinka laga soo gudbiyey, gaar ahaan kuwii Somaliland uu soo dhexgalay Farmaajo taas oo caqabad hor leh ku noqon karta doorashooyinka dalka.
Madaxwaynaha muddo xileedkiis dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo celinaya xubno hore looga saaray oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gudiga Somaliland oo ah Shaqaalle Dawladda ka tirsan.
Farmaajo ayaa la sheegay inuu la wareegay Wasiiraddii ay quseysay iyo beelahoodii kala dooday Seddaxda Kiis ee Gudiga Warbaahinta ka sheegay in cabasho ka taagan tahay ayna ahayd in ay go’aan ka gaaraan RW, Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed Khadar.





From the comments